Goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho oo dhac baahsan loo geestay iyo khasaaro ka dhashay

Kooxo burcad hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday goobo ganacsi oo kuyaalla degmooyinka Kaxda iyo Garasbaaley, waxa ayna halkaasi ka geesteen dhac iyo dhibaatooyin kale oo loo geestay dad shacab ah.

Dukaan kuyaalla degmada Kaxda , gaar ahaan xaafada loo yaqaan Igadabagey ayaa la sheegay in burcad hubeysan galeen, waxa ayna halkaasi dhaawac ugu geesteen wiil dhallinyaro ah iyo aabihiis oo dukaanka ku sugnaa.

Burcada hubeysan ayaa sidoo kale dukaanka u geestay dhac baahsan, waxa ayna halkaasi ka qaateen lacago, telfoono iyo alaabo kale oo qiimo leh, waxa ayna halkaasi isaga tageen burcada markii ay dhaca geesteen.

Labada qof ay dhaawaca u geesteen burcada hubeysan ayaana loola caray xarun caafimaad oo kutaalla magaalada Muqdisho, waxa uuna falkan cabsi badan ku beeray dadka degan degmada Kaxda , gaar ahaan xaafada dhibku ka dhacay.

Dhinaca kale burcad hubeysan ayaa iyana dhac ka geestay goobo kale oo ganacsi oo kuyaalla degmada Garasbaaley, burcadan ayaana goobaha ay beegsadeen ka qaatay lacago iyo alaabo kale.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala degmooyinka Kaxda iyo Garasbaaley ayaana wax tallaabo ah ka qaadin burcada dhaca iyo dhaawacyada geesatay, mana jiraan wax war ah oo laamaha amniga kasoo saareen falalkan soo kordhay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -