Allbanaadir.com
NEWS

Wado si qurux badan looga dhisay Muqdisho oo xariga laga jaray (Daawo Sawirro)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah xariga uga jara wado interlock lagu dhisay oo Hormarta xarunta Degmada Xamar Jajab, waxaana dhismaha wadadan wax badan ka tartay bilicda degmadaasi.

Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Axmed Xasan Iimaan ayaana si rasmi ah xariga uga jaray wadadan oo lagu dhisay qaab mashruuc ah, waxaana dhismaha wadadan gacan ka geestay maamulka gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda dhismayaal wadooyin dhax mara xaafadaha oo lagu dhisayo Interlock, waxaana dhismahan maalgaliya hay’ado taageera dowlada Soomaaliya.

Dhismooyinka wadooyinka xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ayaa sare u qaaday bilicda caasimada, waxaana qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ka socda dib u dhis aad u balaaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Aadan Madoobe oo booqasho ku tagay Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclear-ka (Sawirro)

Cabdi Cade

Xaflad aroos ay ka qeyb galeen dad badan oo lagu qabtay Hawada sare !!

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran (Sawirro)

Cabdi Cade