Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Putin oo diyaarado Dagaal waardiye ka hayaan oo tagaya dalka Iran

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin uu maanta ku wajahan yahay dalka Iran, si uu uga qeyb galo aaska  Madaxweynihii dalkaasi Ebrahim Raisi.

Warbaahinta Ruushka qaarkood ayaa baahiyay in Madaxweyne Putin u tagayo Iran si uu uga qeyb galo aaska Madaxweynihii dalkaasi Raisi iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo dowladda dalkaasi katirsanaa.

Ammaanka Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa la sheegay in ammaankiisa si weyn loo adkeenayo, waxaama diyaarada khaaska ah uu la socdo waardiye ka qaban doona afar diyaaradood oo nuuca dagaalka ah.

Dowladda Ruushka ayaa kamid ah dowladaha xiriirka dhaw la leh dowladda Iran oo go’doomiyeen dowladaha reer Galbeedka, Iran ayaana Ruushka ku taageertay duullaanka uu ku qaaday Ukraine waxa ayna siiyeen diyaarado dagaal.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Culimaa’udiin Soomaaliyed oo bulshada uga digay Gudniinka FGM-ka (Sawirro)

Caydiid Ali

Raila Odinga oo Diiday ka qeyb galka Munaasabada Caleemo Saarka Madaxweyne Ruto

Cabdi Cade

Deni oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada Somalia iyo Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---