Raila Odinga oo Diiday ka qeyb galka Munaasabada Caleemo Saarka Madaxweyne Ruto

Waxaa maanta lagu wadaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya in ay ka dhacdo munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto, waxaana munaasabadda lagu casuumay oo ka qeyb galaya madax kala duwan.

Raila Odinga hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Kenya ahaana musharaxii uu ka guuleestay madaxweyne Ruto ayaa diiday in uu ka qeyb galo munaasabadda lagu caleemo saarayo madaxweynaha cusub ee Kenya.

Hoggaamiye Odinga ayaa sheegay in madaxweynaha la caleemo saarayo ee Ruto uu kusoo baxay doorasho aan xalaal aheyn oo musuqmaasuq ah, waxa uuna diiday in uu ka qeyb galo munaasabad lagu caleemo saarayo nin musuqmaasuq kusoo baxay.

Odinga ayaa sheegay in uu dalka ka maqanyahay laakiin qodobka ugu muhiimsan ee aanu uga qeyb galeyn galeyn caleemo-saarka Ruto uu yahay in guddiga doorashada “aanu qaban doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana go’aanka Maxkamadda Sare aanu ku saleysneyn sharci iyo xaqiiqo, laakiin uu xushmeynayo go’aankaas”

Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa cadeeyay marka dalka kusoo laabto uu kulan ballaaran la qaadan doono xubnaha xisbigiisa, waxa uuna cadeeyay in ay markaa kaddib ku dhawaaqi doonaan tallaabada xisbi ahaan qaadayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -