Maamule shaqadiisa ku waayay fal fool xun uu ku kacay iyo hadal heyn ka dhalatay

Maamule Iskuul oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa shaqo joojin lagu sameeyay , kadib markii fal caro badan ka abuuray gudaha dalkaasi kula kacay mid kamid ah ardayda wax ka dhigata iskuulka uu maamulaha ka ahaa.

Waxaa baaritaan lagu bilaabay Maamulihii iskuulka Luthuthu Junior Secondary School, kaa oo lagu eedeeyay in wiil 11-sano jir ah oo kamid ahaa ardayda iskuulka ku qasbay in  suuliga oo saxaro ay ka buuxdo uu ka raadiyo telefoon isaga ka lumay.

Maamulaha ayaa ardayga u balan qaaday lacag gaareysa 200 rand oo u dhiganta 14$ hadii uu saxarada kasoo dhax saaro moobeelka ka maqan, waxa uuna maamulaha ardayga ku xiray xarig isagoona ku amray in saxarada moobeelka ka dhax raadiyo.

Fundile Gade, oo kamid ah saraakiisha waxbarashada Eastern Cape ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadan, waxa uuna sheegay in ay tagi doonaan guriga ardayga lagu xadgudbay si ay u raali galiyaan.

Ayeeyada heesata wiilkan lagu qasbay in suuliga saxarada yaal ka dhax raadiyo moobeelka ayaa sheegtay in wiilkeeda ka baqayo in iskuulka aado, waxa ayna xustay in uu ka baqayo in ardayda iskuulka ku maadeestaan.

Dhacdadan ayaana hadal heyn badan ka abuurtay dalka Koonfur Afrika kadib markii muuqaal laga soo duubay arintan lagu baahiyay baraha bulshada, waxaana inta badan si weyn u cambaareeyeen maamulaha iskuulka ee falkan ku kacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -