Rooble iyo Madax kale oo Salaada Janaasada ku dukuday Meydka Xildhibaan Aamina (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madaxdii hore ee dalka ayaa salaadda Janaasada ku tukaday maydka Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixiso ee xalay ka dhacay Baladweyne.

Rooble iyo masuuliyiinta kale ee isugu jira kuwa hada xil haya iyo kuwa hore ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho salaada janaasada kula dukaday meydka Xildhibaan Aamina iyo xildhibaan hore oo xalay lagu dilay qaraxii Baydhabo.

Wajiyada masuuliyiinta qaar ee salaada janaasada ka qeyb galayay ayaa laga dheehan karay sida ay uga murugeesnaayeen dilka naxariis darada ah ee loo geestay Xildhibaanad Aamina Maxamed oo aheyd xubin firfircoon oo baarlamaanka ka dhax muuqatay.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa xalay sheegay in weerarka lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed uu u muuqdo mid siyaasadeed oo lasoo abaabulay, waxa uuna amray laamaha ammaanka in barais lagu sameeyo qaraxan iyo cidii fududeesay.

Dilka loo geestay Xildhibaan Aamina Maxamed ayaa dadka Soomaaliyeed si weyn uga naxeen, waxaana baraha bulshada maanta ilaa xalay si weyn looga dareemayaa tacsida iyo murugada geerida Xildhibaanad Qaran Aamina Maxamed Cabdi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -