Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad kutaalla dalka Switzerland oo 20-sanno oo xabsi ah ku riday Wasiir Afrikaan ah

Maxkamadda federaalka ee dambiyada ee magaalada Bellinzona ee dalka Switzerland, ayaa xukun adag oo xabsi dheer ah ku riday wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Gambia Cusmaan Sonko.

Wasiirka ayaa maxkamadda waxa ay ku heshay qaar kamid ah dambiyadii lagu soo eedeeyay ay kamid ahaayeen dilal sharcidarro ah, xarig, jirdil iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah arrimaha bini’aadannimada,

Cusmaan Sonko oo ahaa wasiirkii Ariimaha Gudaha Gambia ayaa u cararay dalka Switzerland , waxyar un kaddib markii xilka xoog looga tuuray Madaxweynihii dalka Gambia Yaxye Jamme oo diiday in doorasho dhacday looga adkaaday.

Wasiir Sonko ayaa dacwado waxaa kusoo oogay ururo aan dowli aheyn iyo dad ehelkooda lagu dhibaateeyay dalka Gambia, waxaana wasirka lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa falalkii dhacay intii uu xilka hayay.

Maxkamadda kutaalla dalka Swizerland ayaana ku riday wasiir hore Cusmaan Sonko xukun 20-sanno oo xarig ah, kaddib markii ay ku heshay in uu geestay dil bareer ah, jirdil iyo xabsi sharci darro ah, waxaana lagu waayay dambi ah in uu kufsi geestay.

Qareennada difaacayay wasiir Cusmaan Sonko ayaa beeniyay eedeymaha lagu soo eedeeyay , waxa ayna qareennada fursad kale u heestaan in ay racfaan ka qaataan xukunka lagu riday wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warar sheegaya in uu Geeriyooday Amiirkii Al Shabaab Abuu Cubeyda

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo toogtay Haweeney dooneysay in ay is qarxiso

Cabdi Cade

Weerar culus oo gantaalo ah oo saakay lagu qaaday magaalada Tel Aviv 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---