Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Juxa oo buriyay heshiis ay xisbiyada Kaah iyo Muqtabal ka galeen degmooyinka…

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa laashay heshiis ay xisbiyada Kaah iyo Muqtabal ka galeen degmooyinka Buursax iyo Xumbeys ee gobolada Mudug iyo Kaarkaar, kaddib markii ay xisbiyaddaas ku heshiin waayeen in ay wada dhistaan degmooyinkaas

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in heshiiskaas la buriyay, guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmooyinkaasna ay ku imaanayaan tartan doorasho oo xubnaha golahu dooranayaan si-xor iyo xalaal ah.

Wasaaradda ayaa fartay guddoomiyaasha gobolada Mudug iyo Karkaar in ay u diyaar garoobaan doorashada degmooyinka Bursaalax iyo Xumbays, kuwaas oo wasaaraddu sheegay in ay dhawaan soo mudayn doonto xiliga la qabanayo doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo Baaq xasaasi ah oo ka dhan ah Isreal u diray Dunidda Islaamka

Cabdi Cade

Maraykanka oo xaqiijyey in ciidamo Soomaali ah ay galeen gobolka Tigray

Caydiid Ali

Shir Muqdisho uga furmaya Musharaxiin badan oo u taagan Xilka Madaxweynaha Somalia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---