James Swan iyo Xubno kale oo gaaray Kismaayo iyo kulamo Xasaasi ah oo socda

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.

Sida aan wararka ku heleyno xarunta Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Kismaayo waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo ay leeyihiin wafdiga uu hogaaminayo James Swan iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Kulanka ayaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa xiisada ka taagan magaalada Kismaayo ee ka dhalatay doorashada iyo sidii Axmed Madoobe u aqbali lahaa in doorashada noqoto mid hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Wafdiga uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo la qaataan Musharaxiinta Isbadal doonka ah ee kasoo horjeeda Siyaasada Axmed Madoobe iyo sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Baarlaaanka.

Wakiilada Beesha Caalamka ee gaaray maanta magaalada Kismaayo ayaa doonaya in xal laga gaaro xiisada ka dhalatay doorashada lasoo dedejiyay ee la filayo in isbuuca soo socda ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Urur goboleedka IGAD ayaa horey ugu guul dareestay in xal ka keenaan xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale fashilmay kulamo saraakiil Itoobiyaan ah la qaateen Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -