Maamulka Gobolka Hiiraan oo amaro ku soo rogay heyadaha samafalka

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo aay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan iyo kan Degmada Beledweyne Agaasimaha wasaarada Gargaarka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle ayaa kulan wadajir ah la qaatay Hay’adaha samafalka ee ka howlgalo Gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa Hay’adaha ka Dhageystay warbixino la Xiriira waxa ay Bulshada u qabteen oo la taaban karo isagoo carabka ku adkeeyey in maanta loo baahan yahay Gargaar Bini’aadanimo oo buuxa.

Cali Jeyte Cismaan ayaa la wadaagay warbixin la xiriirto xaaladaha Degaanada laga saaray Al-shabaab iyo dhibaatooyinka ka jiro ee u baahan wax ka qabashada Deg-dega ah maadaama inta badana ay ka ba’een Xoolahii iyo beerihii.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa faray Hay’adaha ka howlgalo Gobalka Hiiraan in loo jiheysto dhanka Wax ka qabashada xaaladaha abaaraha isagoo xusay in Dhamaan Degmooyinka Matabaan, Maxaas, iyo Beledweyne inta badan laga xoreeyey Al-shabaab lana gaarsiin karo dhamaan wax walbo oo adeega Dadweynaha muhiim u ah Maamulka Gobolka Hiiraan uu ku hogaaminayo cid walbo oo diyaar u ah  horumarinta Deganada si dadka loogu adeegso si ay ku dheehan tahay Daahfurnaan iyo isla Xisaabtan.

 

- Advertisement -