Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Xassan Shiikh oo dhalinyarada Soomaaliyed ka dalbaday arrin xasaasi ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay markale u istaagaan difaaca iyo dib u xoreynta dalkooda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh Ummadaha kale ee dunida.

Madaxweynaha oo maamuusaya doorka halyeeyadii hormuudka u ahaa halgankii gobanimodoonka dalkeenna ee SYL ayaa saaka ubax dhigay taalada SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku boorriyey in ay ka qayb qaataan halganka diiniga ah ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah Nabadda, Amniga iyo Horumarka dalka.

Related posts

Afar Musharax oo isku soo taagay doorashada Madaxweynaha & ku-xigeenka Hirshabelle

Caydiid Ali

Tirada Dadka Shiinaha oo la shaaciyay iyo Dowlada oo ka walaacsan kororka dadka oo yaraaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo Olole doorasho ka wada Georgia xiliga laga guuleestay !!

Cabdi Cade