Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Racfaan gobolka Banaadir oo xukun dil ah ku riday Sayid-cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa goordhaw xukun dil ah ku riday Sayid-Cali Macalin Daa’uud,  oo maxkamadda ku heshay in isagu ka dambeeyay geerida iyo gubitaanka xaaskiisii Luul Cabdicasiis.

Guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka ayaana aqriyay dhammaan eedeymaha lagu soo eedeeyay Sayid-cali Macalin Daa’uud iyo caddeymaha lagu helay, waxa uuna ku dhawaaqay in uu ku riday Sayid-cali xukun dil ah.

Ehelada Luul Cabdicasiis oo goobjoog ka ahaa maxkamadda ayaana si weyn usoo dhaweeyay xukunka dilka ah ay maxkamadda ku riday Sayid-cali, waxa ayna sheegeen in si caddaalad ah xukun u dhacay.

Geesta kale ehelada Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa si weyn uga naxay xukunka dilka ah ee wiilkooda ku riday maxkamadda, waxa ayna ku tilmaameen xukunka dhacay in uu yahay mid caddaaladda ka fog.

Xukunkan maxkamadda Racfaanka ku riday Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu ka dambeeyay geerida xaaskiisa ayaa mar kale heesta racfaan uu u qaadan karo maxkamadda Sare ee dalka, taa oo leh go’aanka ugu dambeeya ee kiiskan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiir Cabdi Waayeel iyo Sababta keentay oo la Ogaaday

Cabdi Cade

Maamulka Jubbaland oo ku kala qeybsamay taageerida Wasiirada uu Magacaabay RW Xamse

Caydiid Ali

Axmed Madoobe booqday Taliska qaybta labaad ee howlgalka AMISOM (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---