Allbanaadir.com
NEWS

Ururka Xisbullaah oo bur burisay Balloon nuuca wax basaasa ah oo sirdoonka Israel lahaayeen

Ururka Xisbullaahi Lubnaan ayaa waxay sheegeen inay shalay soo rideen Balloon ama Buufin nooca Sirdoonka oo ay Israel lahayd , si ay wax ugu basaasaan.

Balloonkaasi ayaa loogu talagalay inuu sahmiyo dalka Lubnaan, gaar ahaan Fariisimada Kooxda Xisbullaahi Lubnaan.

Hadal ka soo baxay Kooxda Xisbullaahi ayaa lagu sheegay inau qaadeen dhowr Duqeyn oo lala beegsaday Saldhiga laga soo ganay Balloonka iyo Qalabka Kontoroolka ama Hagida Balloonada.

Qoraalka waxaa lagu xusay in si buuxda loo burburiyey Qalabka iyo in la xaqiijiyey inay waxyeello dhimasho iyo dhaawac soo gaareen dadkii ka shaqeynayey Saldhiga Ballooniska.

Wararka waxay sheegayaan in Balloonka laga soo ganay Deegaanka Adamit ee Israa’iliyiinta la dejiyey, si uu ula socdo Dhaqdhaqaaqa kooxda Xisbullaahi Lubnaan.

Docda kale, Afhayeenka Milliteriga Israel waxa uu xaqiijiyey in Balloonka la duqeeyey intii uu socday Hawlgalka Kooxdaasi, isla markaana uu Balloonka ku burburay gudaha dalka Lubnaan.

Related posts

Daawo Sawirada: Xaflad soo dhoweyn iyo Sagootin lagu kala maamuusay Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda

admin

Cabdirashiid Janan oo si cad u inkiray inuu joogo Magaalada Mandhera

Caydiid Ali

Fiona Lortan oo loo magacaabay booska Ergaygii M/Afrika ee Soomaaliya laga ceyriyay

Cabdi Cade