Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo Heshiis cusub oo bulshada wax u taraya ku saxiixday Adis Ababa (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, oo uu wehelinayo agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargaysa oo safar shaqo ku joogay magaaladda Addis Ababa , ayaa  saxiixay heshiisyo hordhac ah oo lagu mataanaynayo APEX Indian Hospital iyo Hargeysa Group Hospital.

Heshiisyadan caafimaad ee lagu mataanaynayo labada cusbitaal ee ku kala yaalla Adis Ababa iyo Hargeysa ayaa wax weyn ka tari doona bukaannadii waddanka dibadiisa u doonan jiray adeegyada caafimaad.

Sidoo kale heshiiskan ayaa suuro-gellin doona in dhakhaatiirta ka hawlgasha cusbitaalka Hargaysa ay tababaro ka helaan Indian APEX Hospital, isla markaana markaana Hargeysa Group Hospital ay iman doonaan dhakhaatiirtii loo tagi jiray dalka India.

Bukaanno badan oo qabay xanuuno kala duwan oo ku dhaqnaa deegaannada maamulka Somaliland ayaa u dhoofi jiray dalka India iyo dalal kale si ay heleaan isbitaalo casri ah oo lagula tacaalo xaaladooda caafimaad.

Heshiiskan ay Somaliland la gashay isbitaalka APEX Indian Hospital ayaa faa’iido badan ugu jira bulshada Somaliland oo qaarkood ka baaqsan doonaan safarkii dheeraa ee u aadi jireen dalalka India iyo Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalo qaraar oo ka socda xadka ay wadaagaan dalalka Siiriya iyo Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Gaas oo xilka ka qaaday Taliyaasha Booliiska iyo Daraawishta Puntland kuwa cusubna magacaabay

Cabdi Cade

Daawo Sawirro laga soo qaabtay goobtii uu ka dhacay Qaraxa ee Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---