Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro laga soo qaabtay goobtii uu ka dhacay Qaraxa ee Muqdisho

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxii xooganaa ee maanta ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan inta u Dhaxeysa Hotelka Wehliye iyo Isgooska Dabka.

Dad ku dhaw 10-qof ayaa ku dhintay qaraxyada halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacmay uu ku jiro Sheekh Yuusuf Ceynte la dhigay qaar kamid ah Isbitaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali faah faahin ka bixin qaraxa ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana qaraxan marka laga soo tago mida nafeed uu waxyeelo xoogan gaarsiiyay goobo ganacsi iyo gaadiid laamiga marayay.

Magaalada Muqdisho ayaa markan xaalkeeda alow sahal marayaa, waxaana amaanka u muuqdaa mid faraha kasii baxaya, waxaana magaalada kusoo badanaya qaraxyada iyo dilalka qorsheesan.

Related posts

Dad Soomaali ah oo xalay dil iyo dhaawac loogu geystay degaanka Foslors

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo maanta Daah-furay mashruuc muhiim ah

Cabdi Cade

Gudoomiye Jawaari Sadexdan Talo Midkood ha qaato si xal looga gaaro Mooshinka 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---