Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo si deg deg ah uga laabatay go’aankii lagu xirayay xafiiska UNSOM

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga  laabatay go’aankii ay dhawaan ku dalbatay in la xiro lana soo gabagabeeyo xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.

Qaraal kasoo baxay dowladda loona diray Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay ka laabteen go’aankii lagu xirayay UNSOM, waxa ayna dowladda taasi badalkeeda dalbatay in guddi wadajir ah loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in ay diyaar u tahay in ay magacawdo xubno Soomaaliyeed oo wax ka diyaariya qorshaha wax ka bedelka iyo kala guurka howlaha shaqo ee xafiiska howlgalka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo si cad uga horyimid dowlada Somalia, lana saftay Imaaraadka

Caydiid Ali

Shacabka Muqdisho oo taageeray Amarkii kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Maxkamad diiday in dib loo dhigo kiisas loo heysto Netanyahu

Caydiid Ali
Taboola Ads ---