Isbitaalka Guled oo u dabaaldegay sanadguuradii 22aad, soona bandhigay waxqabadkiisa (Sawirro)

Waxaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho Munaasabad balaaran oo lagu maamuusayey sanadguuradii 22aad ee ka soo wareegtay aasaaska Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled, isla markaana lagu daah-furayey qeybta cusub ee daweynta iyo qaliimada wadnaha oo lagu kordhiyey Isbitaalka.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia, bahda Caafimaadka, aqoonyahano, Waxgarad iyo qeybaha kale ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled Prof. Dr. Ahmed Yusuf Guled oo hadal furitaan ah ka jeediyey munaasabada ayaa ka sheekeeyey aasaaskii Isbitaalka, marxaladihii kala duwanaa iyo xiligii adkaa ee uu soo maray iyo sida ugu dambeyn uu ugu guuleystay in isbitaalku uu bulshada Soomaaliyeed siiyo adeegyo caafimaad oo casri ah.

“22 sano ka hor, markii aan furayey Isbitaalka waxaa dalka ka jirtay xaalad adag, dowlad la’aan iyo fowdo, ma jirin qalab caafimaad oo tayo leh, hase ahaatee arrimahaas nagama jiyad jebinin inaan shacabkeenau adeegno, marlaxado adag oo wejiyo kala duwan leh ayaan soo marnay, maanta ILAAHAY mahadiis waxaan ku guuleysanay inaan soo gaarno marxalad inaan la jaanqaadno isbitaalada waaweyn ee caalamka, anagoo dalka keenay adeegyo Caafimaad oo dalka dibediisa loo aadi jiray kuwaasoo dadka qarash badan uu kaga bixi jiray” ayuu Prof. Guled.

Dr. Maxamed Guled oo ka tirsan dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa isna sheegay iney ku faraxsan yihiin hirgelinta qeybta daweynta iyo qaliimada Wadnaha oo shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan, markii horena dibeda loo aadi jiray.

Dr. Maxamed Guled ayaa faahfaahin ka bixiyey noocyada qaliimada lagu sameyn doono qeybta cusub ee daryeelka iyo Caafimaadka wadnaha.

“Qeybtan cusub oo ay ka howlgelayaan anaga iyo dhaqaatiir taqasus leh oo ajnabi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu sameyn doonaa waxa loo yaqaano (Coronary angriography) iyo (Coronary angioplasty) oo ah in xididada wadnaha la qiimeeyo xaaladahooda ka dib haddii ay u baahdaan xididaha qaarkood in la furo la furi karo, sidoo kale xididada (Peripheral) sida kuwa lugaha oo kale waa ku sameynaynaa, waxaa kale oo ka mid ah shaqada aan qaban doono batariga wadnaha noocyadiisa kala duwan haddii uu u baahan yahay in bukaanka loo geliyo (All Types of Pacemakers), waxyaabaha aan sameynayno waxa kale oo ka mid ah in caruurta duleelada ku leh wadnaha loo xiro anagoo adeegsanayna qaab casri ah oo aan loo baahneyn in gudaha wadnaha la galo ama la jeexo” ayuu yiri Dr. Maxamed Guled oo intaas ku daray in dhammaan adeegyadaas loo fulin doono qaab la jaanqaadaya Standarka aduunyada.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaan C/raxman Odowaa, Senator Prof. Cusman Maxamuud Dufle, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka xukuumada Somalia Maxamed Xassan Bulaalle, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta C/raxman Yusuf Al-Cadala,  iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari oo munasabadaas ka hadlay ayaa ka markhaati kacay sida uu isbitaalka Guled wax ugu qabtay bukaano badan oo la daalaa dhacayey cuduro halis ah oo ay ku jiraan kuwo faafa sida TB-da.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumada Somalia Maxamed Cilmi Ibrahim oo ugu dambeyn munaasabadaas ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey Isbitaalka Guled guulaha ay ka gaareen mudadii ay jireen horumarinta adeegyada Caafimaadka dalka, isagoo ku dhiirigeliyey iney sii xoojiyaan howlaha samafalka ah ee ay u hayaan shacabkooda.

“Guled Hospital wuxuu qeyb ka yahay isbitaalada hormuudka u ah horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, taasina wuxuu ku muteystay dedaalka naf hurnimada leh ee ay u galeen sidii ay ay shacabkooda ugu fududeyn lahaayeen iney helaan adeegyo caafimaad oo casri ah taasoo runtii ay ka miro dhaliyeen, ahna guul ay ku faani karto umadda” ayuu yiri Wasiirka.

Hadalo iskugu jiray, hambalyo iyo dhiirigelin ayaa waxaa sidoo kale munaasabadaas ka jeediyey xubno ka tirsan qeybaha bulshada oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaliyeed, Rectorka Jaamacada Benadir, ahna Gudoomiyaha ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed, Gudoomiyaha dallada Bankiyada dalka, agaasimayaasha isbitaalada Shaafi iyo Banaadir,  agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan oo ku soo dhamaatay jawi aad u farxad badan ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay filim Documetary ah oo ka hadlayay marxaladiihii adkaa ee uu soo maray Isbitaalka Guled, adeegyada laga heli karo Isbitaalka iyo  guulihii uu ku talaabsaday mudadii 22-ka sano aheyd ee uu bulshada u adeegayey.

Asaasaha Guled Specialist Hospital Dr. Axmed Yuusuf Guuleed waa dhaqtar Soomaaliyeed oo ku taqasusay daweynta cudurada gudaha iyo Sambabada (Consultant Internal Medicine & Pulmonology) waxaana uu ka mid ahaa dhaqaatiirtii ka soo baxay Jaamacadii hore ee Ummada, isagoo taqasusyo kala duwana ku soo qaatay dalal ka tirsan qaarada Yurub.

Prof. Guuleed oo leh khibrad shaqo oo 40 sano ka badan ayaa sidoo kale ah samafale si weyn uga qeyb qaatay 30-kii sano ee la soo dhaafay ogaanshaha iyo daaweynta cudurka Qaaxada, taasoo si weyn wax uga tartay dedaalka loogu jiro ciribtirka cudurkan oo dhibaato xoogan ku hayey bulshada, iyadoo Isbitaalkiisa uu daawo iyo la talin Bilaash ah siiyo dadka la ildaran cudurka Qaaxada ama TB-da, taasoo ay ka faa’iideysteen dad aad u fara badan oo haatan cudurkaas halista ah ka xoroobay.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

- Advertisement -