(Sawirro) Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay shan xubnood oo ku eedeysan..

Howl-gal ay Sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Gacanta loogu Soo Dhigey  Eedeysanayaal xili ay Gacan Kula Jireen Sameynta Calaamada A iyo B ee Mooto bajaajka  Taas oo Baal Marsan Sharciga

Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa Maanta ay taariikhda Tahay 09-05-2024 Howl-gal ay ka sameeyeen Degmada Dharkeenlay Gaar ahaan Waaxda 2aad  Waxay Gacanta Ku soo Dhigeen   5 Eedeysane oo ku guda Jirey Buufin Mootooyin Sharci daro ah  iyo  Garaash Lagu Buufiyo Moota bajaajta Sharciga waafaqsaneyn .   .

Eedeysanayaashaas  oo Kala ah :-

  1. Maxamed Xasan Xuseen Ina Xaawo  Ibraahin Cabdi  50 jir ah
  2. Max’ed deeq Axmad Cabdi  Ina  Canab  Cali  Maxamed  23 jir ah
  3. Cabdiqani Maxmed Xasan  Ina  Maryan  C/laahi   Cabdi 28 jir ah
  4. Xuseen Deeq Maxamed Ina  Xaliimo  Xasan.  Nuur  17 jir ah
  5. Ibraahin C/Qaadir Maxamed Ina  Ijaabo C/casiis. C/dulle  24 jir ah

Sidoo kale Eedeysanayaashaan ayaa Kala Wareejiyo Taargada Moota bajaajta ayagoo 1 Taarga u isticmaala Dhowr Mooto Bajaaj .waxaana Goobtaas laga soo Helay taargooyin Tira badan

Eedeysanayaashaan ayaa Isugu jira Milkiilaha Garaashka, Farsamayaqaanada buufinta iyo  Milkilayaasha Mootooyinka la buufinaayey  ,

Sida ay cadeeyeeen Shaqadaan waxay ku jireen in muddo ah  waxay mootooyinka u kala wareejin jireen Calaamadaha Dowlada Hoose si  Sharciga Baal marsan.

- Advertisement -