War cusub oo kasoo kordhay Masaajid ay isku heestaan Soomaalida Amsterdam

Dacwadii u dhexeysay guddiga maamulka masjid QUBA, ee ku yaal magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa mar kale guux ka dhex abuurtay mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan waddankaasi, kaddib markii labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyay qolo waliba ay dhinaceeda sheegatay guul-hordhac ah.

Khilaafka u dhexeeyay guddiga maamulka masjidka QUBA ayaa si rasmi ah u soo shaac-baxay bishii Febraayo 2021, markii saddexdii xubnood ee hayay maamulka masjidka QUBA oo dhulkiisa & dhismihiisa ba lagu bixiyay lacago laga soo uruuriyay dad muxsiniin ah oo ku nool dacaladda dunidda, dadka ugu badan ee ka qeybqaatay na ay ahaayeen Soomaali.

Khilaafka gaaray in hormuudka Soomaalida NL ku dhaqan dhexdeeda wax xal ah ka gaari waayaan, wuxuu u dhexeeyay iimaam-kii & guddoomiyihii guddiga Shiikh Suldaan Gasle oo dhinac ah iyo Guuleed Wayrax & Shiikh Abuu-Khadiija oo ka tirsanaa maamulka oo isku dhinac ah, iyada oo 14-kii bishii September (2021) ciidamo boolis ah ay gudaha u soo galeen masjidka, laguna wargeliyay Shiikh Suldaan inuu masjidka dibed-joog ka noqdo, waxeyna tillaabadaasi ka careysiisay inta badan dadka Soomaalid ah, oo ku tillmaamay Shiikha Suldaan inuu bud-dhig u ahaa aasaasida & dhismaha masjidka Quba.

Khilaafka masjidka ayaa maraaxilo kala duwan soo maray, iyada oo markii ugu horreeysay khilaafkaasi ay ku soo baxeen dad isugu jiray samadoonno, culimo, waxgarad & aqoonyahanno muddo 4 billood ah dhexdhexaadin ka dhex waday 2da dhinac, iyada oo natiijadii ka soo baxday dhex-dhexaadintooda ay noqotay in Shiikh Suldaan laga saxan yahay, masjidka maamulkiisana lagaga dambeeyo ragga hadda masjidka maamulkiisa haya, inkastoo Shiikhu ka horyimid go’aankaasi kuna tilmaamay raggaas kuwa dhinac u raran.

“Odayaasha Tilburg waxaan kula kulanay Hoofddrop waxaan la fadhinay 8 ilaa 10 saacadood, waxaan kala hadalnay in Shiikh Suldaan waxyaabaha iyaga uu ku diidan yahay ee qaladaadka ah ka mid tahay; qoddobo aan heshiiskii hore ku jirin oo ragga masjidka ku haray ay gacantooda ku soo qorteen in la saxo, Shiikhuna warqadaas markuu arkay ayuu dib u noqday, guddiga qaar ka mid ah oo Shiikhu xiriir la sameeyey waxeey u sheegeen warqadaasi in ay iyaga ka imaanin oo dhinaca kale ay soo qoorteen sax na aysan aheyn, siddaas awgeed wuxuu arkay meesha in ay jirto is hoosaasin, wuxuu kala noqday kalsoonidii & u qoor dhiibashadii guddiga” Ayuu yiri mid ka mid ah guddiga Amsterdam oo magaciisa diiday in la shaaciyo, isaga oo intaasi ku daray in ay soo jeediyeen guddigooda Amsterdam in 6-dii qoddob dib loogu laabto, hasse ahaatee guddigii Tilburg ay ku adkeysteen in go’aanka ay soo gaareen in ay Soomaalida la wadaagi doonaan.

Markii wax xal ah oo heshiis lagu yahay laga gaari waayay dacwadii u dhexeysay guddiga masjidka ayaa waxaa mar keliya laga war-helay in dacwadii u gudubtay Maxkamad ku taal Amsterdam, oo qaadigeeda & ashqaasta kale ee go’aanka gaareysa ba aysan aheyn dad muslim ah, ayna u kala dab-qaadayaan dad muslimiin ah, iskuna haysta maamulka & maareynta masjid.

Durba, waxaa la is weydiiyay cidda dacwadii masjidka geysay maxkamadda Amasterdam; Darafkii ku haray masjidka ayaa iska fogeeyay eedaasi, halka Shiikh Suldaan uu sheegay in sababta uu bannaanka u jooga ay tahay isaga oo xaq u leh inuu masjidka tago inuu diidan yahay khilaaf sababi kara in masjidka la xiro.

“Anigoo ka tanaasulay xaqii aan u lahaa inaan masjidka tago ayaa ka baaqsaday, siddeey ku dhici kareysaa inaan maxkamad dacwad geeyo.?” Ayuu yiri Shiikh Suldaan Gasle.

Mid ka mid ah ragga ku xiran masjidka oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa Allbanaadir u sheegay in ay ka dhursugayaan natiijada dacwada, wuxuuna tilmaamay in taageerayaasha Shiikh Suldaan ay ku doodayaan in waddaadka la masabitay, ayna rag ka tirsan kuwa maamulka haya ay sameeyeen marqaati fur been ah, balse wuxuu ku nuuxnuuxsaday in xaaladu aysan aheyn sida ay ku doodayaan taageerayaasha Shiikha.

“Marqaati looma baahna, arrintaasi way dhamaatay, Shiikh Suldaan codkiisii ayaa duuban, qofkii arrinkaasi uu shaki kaga jiro ha dhageysto hadalkii uu ka jeediyay markii uu joogay jaaliyada, afkiisa wuxuu ka qirtay shirkaasi inuu joogay” Ayuu ku gaabsaday mid ka mid ah dadka taageersan darafka masjidka ku haray, isaga oo ku bogaadiyay raggaasi sida ay ugu cadaalad faleen habsami u socodka howlaha masjidka.

Dhinaca kale, C/fitaax Cabdullaahi oo ka mid ah taageerayaasha Shiikh Suldaan, ayaa isaga oo ka hadlayay halka ay dacwadu mareyso waxa uu sheegay in maxkamaddu ka dalbatay kooxda masjidka maamusha in ay keenaan caddeymo muujinaya in Sheekhu aanu goob joog aheyn shirkii 10-kii maarso, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in masjid dhulkiisa & dhisidiisa-ba aysan Soomaali meel kasta oo ay joogto u kala harin in masiirkiisa ay sheegtaan dhowr qofood.

“Waxeey ka mid tahay mucjisooyinka taariikhda galay ee jiilkeygu ay goob jooga u yihiin, in masjidkii Soomaali aysan u kala harin dhismihiisa, in taladiisa 2 qofood ay ka go’do, oo ciddii ka aragti duwanaatana ay yiraahdaan; masjidka ayaad dumineysaan” Ayuu yiri Cabdifitaax, isaga oo dhinaca kale na nasiib darro ku tilmaamay in rag ka mid ah odayaasha magaalada Amsterdam lagu yiraa masaajidka ma soo geli kartaan.

“Waxaan “social media” ka aragnay rag ka mid ah odayaasha magaalada oo hortaagan albaabka masaajidka, iyaga oo leh waxaa na loo diiday inaan masjidka ku tuno, sidaa waxaa nagu yiri mid ka mid ah howl-wadeenada masaajidka” Ayuu yiri C/fitaax, wuxuuna ugu dambeyntii u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee dhibsaday khilaafka masjidka in ay soo jeedinayaan in talada masjidka lagu celiyo bulshada si looga gaaro go’aan kama dambeys ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -