Haweeney labo maalin kaddib guurkeeda noqotay Garoob iyo dhibka ku dhacay !

Haweeney u dhalatay dalka Ukraine kana tirsaneyd ciidanka dalkaasi ayaa farxada guurkeeda labo maalin kaddib isku bedeshay murugo iyo ooyin, kaddib markii uu geeriyooday ninkeeda oo isna askari ahaa.

Valeria Subotina, iyo Andriy Subotin, ayaa ahaa lamaane in muddo saaxiibo ahaa, waxaana lamaanahan guurkooda qorsheesteen in uu dhaco kahor inta uusan bilaaban duullaanka Ruushka kusoo qaaday Ukraine, balse taasi ma dhicin dib ayuuna u dhacay guurkooda.

Lamaanahan ayaa deganaa magaalada dekadda leh ee Mariupol ee dalka Ukraine, waana halka uu qorshahoodu ahaa in uu ka dhaco guurkooda, balse dalka ayaa galay xaalad dagaal oo sababtay in guurkooda dib u dhaco.

Dagaal ay gashay ayey ku dhaawactay Valeria Subotina , waxa ayna muddo ah ku jirtay isbitaal lagu daweenayay, waxaana markii isbitaalka kasoo baxday saaxiibkeed deg deg uga codsaday in ay is guursadaan oo hirgaliyaan hadafkooda guurka .

Lamaanahan ayaana guurkooda iyo faraanti galiskooda dhacay 5-ta bishii May ee sanandkii 2022-kii,  waxa ayna lamaanahan xilligii uu guurkooda dhacayay xirnaayeen dareeska ciidanka milatariga dalka Ukraine.

Guurka lamaanahan ma waarin mana sii wada joogin waqti badan, waxaana labo maalin kaddib maalintii guurkooda oo ku beegneed 7-dii May , waxaa dagaal ku geeriyooday Andriy Subotin, waxa ayna gabadhan labo maalin kaddib noqotay garoob laga dhintay.

Gabadhan askariyada ah ayaana nolosheeda saameyn xun ku reebay geerida ninkii dunidda ugu jecleed oo kaliya wada noolaayeen labo maalin, waxaana wali maskaxdeeda ka guuxaya xanuunkii soo gaaray iyo niyad-jabkii ay la kulantay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -