Oday dhaqmeed sare oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo howlgal lagu dilay

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka , gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa lagu dilay nabadoon katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaa oo si weyn looga yaqaanay deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidanka xoogga dalka ayaana ku dilay deegaanka Garasweyne ee duleedka magaalada Malaaq Cabdulaahi Maxamed Yare (Malaaq Qori), oo Al Shabaab ugu magacawnaa malaaqa guud ee magaalada Xudur.

Oday dhaqmeedkan awooda badan ku dhax lahaa kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay in masuul ka ahaa go’doomintii magaalada Xudur iyo sidoo kale dad badan oo Al Shabaab dileen iyo kuwa kale ay afduubteen.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaana sheegay in muddo ah ku raadjoogeen ninkan odayga ahaa, waxa ayna ugu dambeyn sheegeen in ay ku dileen howlgal qorsheysan ay ciidanka ka fuliyeen deegaanka Garasweyne.

Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa muddo sannado ah waxaa go’doomiyay kooxda Al Shabaab, waxaana adag in degmadaasi galaan gaadiidka wada ganacsiyada iyo alaabaha kale ee muhiimka u ah, waxa ayna Al Shababa gubeen gaadiid iyo dameero alaabo u waday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -