Hormuud Salaam Foundation oo daahfurtay Barnaamijka Taakuleynta iyo Afurinta Dadka Danta yar (Sawirro)

Munaasabad Lagu daah furayay Mashruuca Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ee taakuleynta iyo afurinta bisha barakeysan ee ramadaan Ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
 
Waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiin kasocotay Hay’ada hormuud salaam foundation Wasaarada gargaarka, Xafiiska Raysal Wasaaraha, Gobolka Banaadir, iyo Hey’ada Culimada Somaliyeed.
ugu horeen munaasabada daahfurka taakuleynta iyo afurinta dadka tabaaleysan ee hay’ada Hormuud Salaam Foundation waxaa ka hadlay gudoomiyaha Hay’ada Cabdullaahi Nuur Cusmaan kaasi oo sheegay in taakuleynta iyo afurinta ay isugu jirto laba qeyb oo dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba loo afurin doono, gudoomiyaha ayaa sheegay in 5000 oo dadka aadka utabarta yar maalintii ay heli doonaan afurin loosoo marin doono loogu ditayo adeega EVC Plus iyagoo fariin udiraya numberka 144.
 
Gudoomiyaha hay’ada Culimada soomaaliyeed Sh bashiir Axmed Salaad , Gudoomiyaha Majmaca Culimad soomaaliyeed Sh cabdil xayi Xaaji Aadan iyo gudoomiyaha haweenka gobolka banaadir Jawaahir Baarqab ayaa bogaadiyay kaalinta Hay’ada hormuud Salaam Foundation ay kaqaadaneyso caawinta dadka tabaaleysan.
 
Gudoomiyaha isbitaalka dhimirka ee Dr cabeeb iyo gudoomiyaha naafada qaranka ayaa hay’ad Hormuud salaam Foundation kaga mahadceliyay kaalinta lama ilaabaanka ah oo ay kaqaadato wax kaqabashada dadka baahiyaha gaarka qaba iyo kuwa danta yar.
 
Maryan Aadan Amiin madaxa xiriirla atimaha Bulshada ee xafiiska Raysal Wasaaraha iyo agaasmiha wasaarada gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka oo gabagabadii munaasabada Kahadlay ayaa sheegay in hay’ada hormuud salaam foundation ay waxbadan kaqabto dhibaatooyinka xaga bani aadanimo ee lasoo gudboonaada dadka soomaaliyeeed.
 
Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa sanad waliba marka lagaaro bisha barakeysan ee ramadaan waxa ay qabataa mashruuc lagu afurinayo dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qabo iyadoo hay’adan sidoo kale gacan weyn ay kageesata latacaalida xanuunka covid 19.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -