Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Erdogan oo baaq muhiim ah u diray Dalalka Islaamka xilli uu ka baaqday Shirka…

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa ka cudur daartay ka qeyb galka shirka madaxda dalalka Islaamka oo la filayo maanta oo Sabti ah in uu ka furmo magaalada Banjul ee caasimadda dalka Gambia.

Erdogan ayaana khadka telfoonka kula hadlay Madaxweynaha dalka Gambia Adama Barrow, waxa uuna kala hadlay aragtidiisa ku aadan qodobada shirkan diirada lagu saarayo iyo sida Turkiga uga soo horjeedo duullaanka Israel ku qaaday Marinka Gaza.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay madaxda waddamada Islaamka ee ka qeyb galaya shirka ka furmaya dalka Gambia in ay u midoobaan sidii loo joojin lahaa weerarada gardarada ah ee Israel ku heyso magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Erdogan ayaana dhaleeceeyay waddamada reer Galbeedka uu sheegay in ay ku dhaqmayaan siyaasadaha munaafaqnimada, waxa uuna rejo ka muujiyay in shirka Bajul kasoo baxaan qodobo wax ku ool u ah qadiyadaha Islaamka.

Madax badan oo ka kala socota dalalka Islaamka ayaan ka qeyb galaya shirka madaxda dalalka Islaamka ee maanta ka furmaya dalka Gambia, waxaana Madaxweynaha Turkiga shirkaasi ku matalaya wasiirkiisa Arrimaha Dibadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo go’aan cusub ka qaatay Wasiir uu dhowaan shaqada ka joojiyey

Caydiid Ali

Xamaas oo gantaalo ku weerartay Tel aviv & Magaaloyin kale oo ku yaalla Israel

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo caawa xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---