Ciidan ka tirsan Booliska DF oo tababar loogu soo xiray Jabuuti (Sawirro)

Tababar muddo ka socdey gudaha dalka jabuuti  ayaa waxaa kaalin ka geystey dowlada  Talyaaniga iyo walaalaheen Jabuuti waxaana tababarka ka faa’iideystay daraawiishta boliiska gaar ahaan cutub ka tirsan dufcadii 20.aad ee ciidanka daraawiishta.

S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa bogaadiyay dadaalka iyo dhabar adeega ay muujiyeen ciidanka mudada uu socday tababarka.

Sidoo kale taliyaha ayaa u mahadceliyay dowladaha  Jabuuti iyo taliyaaniga oo uu sheegay inay door weyn ka qaateen tababarada iyo dib u dhiska ciidanka boliiska soomaalieed.

Ugu dambeyn taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub  Axmad Firin ayaa ka codsadey  dowladda Talyaaniga iyo  Jabuuti inay sii wadaan taageerada dhanka tababarada ah ee ay siiyaan  boliiska Soomaaliyeed, si loo xoojiyo tayada ciidanka daraawiishta boliiska Soomaaliyeed.

- Advertisement -