Daadad xoog leh oo dad ku dhow Konton qof ku dilay dal ka tirsan Yurub (Sawirro)

Daadad xoog badan oo ku dhuftay dalka Jarmalka ayaa waxaa ku naf waayay ugu yaraan 40 qof.

Qeybo badan oo dalka Jarmalka ka mid ah waxaa ka socdo roobab xooggan, waxaana dadka dhintay ka sokow la weysan dad kale oo weli lagu raadinayo nolol iyo geeri.

Roobabkan daadadka iyo dabeylaha wata ayaa guryo badan dumiyay, waddooyinna xiray, waxaana meelaha adkaatay iney gaaraan shaqaalaha badbaadada.

Gobollada NRW iyo Rheinland-Pfalz oo ka tirsan dalka Jarmalka ayaa la soo sheegayaa iney xaaladaha ugu adag ka jiraan

Ma ahan dalka Jarmalka oo keliya ee daadadka ayaa guud ahaan ku dilay 46 ruux galbeedka Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -