Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gobol katiran dalka Mareykanka oo Dacwad kusoo oogaya dowlada Shiinaha !!

Dalka Mareykanka ayaa noqday dalka saameynta ugu badan uu ku yeeshay Caabuqa Caronavirus, waxaana dadka ugu badan uu ku dhacay Caronavirus iyo kuwa u dhintayba ay yihiin dadka kunool Mareykanka.

Gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa kamid ah gobolada saameynta badan uu ku yeeshay cudurka Caronavirus, waxaana masuuliyiinta gobolka wadaan qorshe ay ku dacweenayaan dowladaha Shiinaha .

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Missouri, Eric Schmitt. ayaa ku eedeeyay dowlada Shiinaha in cudurkan ka been sheegtay sidoo kale aysan sameyn dadaalo badan oo looga hortagi karo in cudurkan dunida ku faafo.

””Dowladda Shiinaha waxay dunida uga been abuurtay khatarta uu leeyahay cudurkan, ma aysan samaynin dadaalo badan oo ay uga hortagayso faafidda cudurka Coronavirus,” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Missouri, Eric Schmitt.

Waxa uu sheegay Xeer Ilaaliye Eric Schmitt in muhiim tahay in dowlada Shiinaha aan looga harin ficiladeeda lagula xisaabtamo, waxa uuna tilmaamay ka gobol ahaan dacwad kusoo oogayaan Shiinaha oo la xariira faafida Covid-19.

Dowlada Shiinaha ayaa marar badan beenisay in ay ka been sheegtay cudurkan Caronavirus , Mareykanka iyo wadamada Reer Galbeedka ayaana Shiinaha ku tuhmaya in cudurkan si ku tala gal ah loo abuuray loona faafiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir oo magacaabay guddi 13 xubnood ka kooban

Caydiid Ali

Gaari nooca xamuulka ah oo dad badan ku laayey isgoys ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Maalqabeenka Caanka ah Vincent Bolloré oo Xabsi la dhigay iyo Baaritaano ku socda.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---