Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Waddo laami cusub oo isaga loogu magac-daray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami cusub oo ka bilaabanayo Xaliimo Hayte illaa Ceelcadde, taasi oo dhex maraysa degmada Kaaraan iyo deegaanka Gubadley.

Dhismaha waddadaan oo ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Banaadir, bulshada degmada Karaan iyo bulshada deegaanka Gubadley, ayaa loogu Magacdaray guddoomiyaha gobolka Banaadir (Waddada Madaale – Madaale Road), maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo waddo laami ah laga hirgeliyo.

Munaasabadda dhagaxdhigga waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka, Ganacsato iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Kaaraan iyo Gubadley.

Waddadan cusub ee loogu magac-daray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa noqoneysa tii ugu horreysay oo loogu magac daro guddoomiye gobol, waxaana Madaale lagu ammaanay in uu inta badan waddooyin u dhiso degmooyinka tolkiisa ku badan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -