UK oo shaqsigii ugu horreeyay oo magangelyo-doon ahaa u musaafurisay dal kuyaalla Afrika

Markii u horeysay, Dowladda Britain waxay Isniintii la soo dhaafay ay Muhaajirkii u horeysay u dhoofisay Caasimada dalka Rwanda 🇷🇼 ee Kigali, waxayna tallabaddaasi qeyb ka tahay Mashruuca Dib-u-celinta Is-Xilqaanka (Voluntary deportation) ee aan khasabka ahayn.

Wargeyska The Sun ayaa qoray in Muhaajir aan la magacaabin (Unnamed migrant) uu ka dhoofay UK 🇬🇧 Isniintii hore.

Mashruuca Muhaajiriinta iskooda u go’aansada in loo tarxiilo dalka Rwanda 🇷🇼 waxay Dowladda UK sheegtay inay Muhaajiriinta la masaafurinayo ay kiiba siin doonto Lacag dhan 3,000 oo Geniga Istarliinka (UK Pounds) oo u dhiganta 3,747.60 ee Dollarka Maraykanka (US$).

Mashruuca Muhaajiriinta iskooda u go’aansada in loo masaafuriyo dalka Rwanda waa ka baxsan yahay Barnaamijka Khasab-u-celinta Muhaajiriinta sharci-darrada ku soo galay dalka Britain.

Dowladda UK 🇬🇧 waxay dhawaan shaacisay inay bilaha soo socda la bilaabi Masaafurinta khasabka ee Muhaajiriinta sharci-darrada ku jooga UK, iyadoo laga hortagayo Muhaajiriinta Magangelyo-doonayaasha ee doonyaha yaryar kaga soo gudba The English Channel, si ay ugu noolaadaan gudaha Britain 🇬🇧.

Tan iyo sanadkii 2018-kii, Tobanaan kun oo qof ayaa doonyaha nooca yaryar ku soo galay dalka Britain, kuwaasi oo badankooda dalalkooda uga soo cararay Dagaalo iyo Macluul.

Mashruuca Muhaajiriinta sharci-darrada ee khasabka loogu tarxiilayo dalka Rwanda waxa lagu caddeeyey qof kasta oo sifo sharci-darro ku soo galay UK wixii ka dambeeyey bishii January 1-dii ee sanadkii 2022-kii ay u nugul yihiin in loo tarxiilo Rwanda.

Docda kale, Dukumenti Dowladda Britain oo la daabacay Isniintii la soo dhaafay ayaa muujiyey in Shaqsigii Magangelyo-doonka ahaa loo tarxiilay dalka Rwanda oo qeyb ka ah Koox 5,700 qof oo la tarxiikayo, iyadoo Dowladda Rwanda manda’ ahaan oggolaatay Tirada Muhaajiriinta ay dowladda UK soo tarxiilayso.

Dukumentiga waxa uu Xukuumada UK ka codsaday inay suurtogal tahaybin si fudud loo qabto in ka badan 2,000 oo Muhaajiriinta loo tarxiilayo dalka Rwanda oo masaafo ahaan Britain u jirta 6,400 KM oo u dhiganta 4,000 oo miles.

Si kastaba, Barlamaanka dalka Britain waxay toddobaadkii hore ugu dambayntii ansixiyeen Sharcia Tarxiilka Muhaajiriinta sharci-darrada, iyadoo uu RW Rishi Sunak sheegay inuu rajeynayo in Duullimaadyada ugu horeeyo u duuli doonaan dalka Rwanda muddo 10 ilaa 12 isbuuc.

W/Q Ustaad Nuradin Abuukar

- Advertisement -