Dadka kasoo horjeeda Axmed Madoobe oo lagu tilmaamay Al Shabaab oo kale

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka  Soomaaliya ee Gobolka Gedo Col. Cabaas Ibraahim Gureey ayaa maanta jeediyay hadal dad badan layaab iyo amakaag ku noqday kadib markii uu Al Shabaab ku sifeeyay dadka siyaasad ahaan kasoo horjeeda Axmed Madoobe.

Sargaalkan daacada u ah Sheekh Axmed Madoobe oo maanta dadka isugu soo baxay Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo la hadlayay ayaa si weyn usoo dhaweeyay dib u doorashada Sheekh Axmed Madoobe.

Waxa uu shacabka Gobolka Gedo ugu baaqay in ay taageeraan una Hogaansamaan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo loogu doortay in afar sano oo kale sii hogaamiyo Jubbaland.

Taliye Cabaas ayaa cadeeyay in Axmed Madoobe mudan yahay in la taageero maadaama uu tilmaamay in wax badan u qabtay bulshada Jubbalabd, waxa uuna dhaliilay dadka kasoo horjeeda Axmed Madoobe.

Sargaalkan katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya aaa dadka kasoo horjeedo Axmed Madoobe  ku sifeeyay in ay lamid yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay la dagaalami doonaan sida uu cadeeyay.

“Waa waajib in aan taageerno, tan kale waxa aan idiin sheegayaa, Axmed Madoobe ma ahan kuwa Laptop-ka ku hubeysan, ma ahan kuwa Baasaboorka Ajnabiga wata, mana ahan kuwa Qurbo joogta ee waa nin Dalka usoo halgamay, Ninkii maanta aan dooneen waa Al-Shabaab, dagaal ayaa nalaga dhaxeeyo ayuu Yiri Col. Cabaas Ibraahim Gurey.

Hadalkan kasoo yeeray Sargaalkan ciidan ayaa imaanaya xili Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubbaland ay joogaan dad siyaasad ahaan kasoo horjeeda Axmed Madoobe , waxaana dad badan layaab ku noqotay in dad siyaasad ahaan diidan Axmed Madoobe lagu sifeeyo in Al Shabaab lamid yihiin

- Advertisement -