15 Xildhibaan oo laga mamnuucay fadhiyada Golaha shacabka Somalia (Magacyada)

Ilo ku dhow dhow Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Allbanaadir Online u sheegay in Guddoomiye Max’ed Mursal uu saxiixay qoraal ku saabsan in illaa  15 xildhibaan aanay ka soo qaybgeli karin Kulanka Baarlamaanka ee Isniinta soo socota, iyadoo magacyada Xildhibaanada la dhigay albaabada laga galo Villa Somalia.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha baarlamanka Somalia inuu kulanka soo socda ee baarlamanka ka joojiyey 15 xildhibaan oo maanta is hor taag ku sameeyey qorshe muddo kordhin ah oo golaha shacabku u sameyn rabeen Farmaajo

“Maxamed Mursal ayaa amray in 15 xildhibaan loo diido in ay shirarka Baarlamaanka ka soo qeyb galaan. Amarkaas ayaa ka yimid Farmaajo. Hadda ka hor ayuu Farmaajo korontada iyo biyaha ka goostay Mursal, irdahana ka ooday, isagoo u  diiday in ay xildhibaannada xafiiskiisa ugu tagaan, kaddibna wuu ka soo qaxay” ayuu yiri hogaamiyaha.

“Maxamad Mursal wixii lagula kacay ayaa maantana la amray in uu xildhibaannadii shalay dulaysiga ka difaacay kula kaco. Waa Alle mahadii in aysan u suura geli doonin, laakiin Mursal wuxuu tusaale u yahay dadka sida fudud kaligii taliyaha bulshada u looga” ayuu sidoo kale intaas ku daray.

Waxaa guuldarro ku dhamaaday kulan ay maanta qaban lahaayeen golaha shacabka ee Barlamaanka federaalka kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha ay ku eedeeyeen guddoonka inuu qarinayo ajande aan ahayn kan la iclaamiyay ee ahaa in laga hadlo cudurka Covid-19.

Xildhibaannadaas ayaa sheegay in golaha dibaddiisa la keenay ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan hay’adda sirdoonka balse xildhibaanno kale ayaa rumeysan in kulanku ahaa mid caadiya oo la mid ah kulamadii hore lagana doodi lahaa ajandaha qoran ee Covid-19.

Guddoonka baarlamanka ayaa markii dambe golaha isaga tagay sidaas ayuuna ku baaqday kulankii loo ballansanaa.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA XILDHIBANADA LA MAMNUUCAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -