Ciidamo ay isla tababareen Holland, Britain & Mareykanka oo Somalia ku soo jeeda

Uganda ayaa ku dhawaad 2,000 oo askari usoo diraysa Soomaaliya kuwaasoo tababar loo soo gabagabeeyay dhowaan.

Ciidamada tababrkan loo soo gabagabeeyay ayaa tiro ahaan gaaraya 1,828 askari iyagoo qayb ka noqon doona hawlgalka Midowga afrika ee Amisom.

Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Uganda, General Wilson Mabadi oo la hadlay ciidamadan kadib markii loosoo gabagabeeyay tababarka ayaa kula dar daarmay in si hufan ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

“Waxaad ka tageysaan Uganda si aad u aadaan ugana biirtaan ciidamada xasilanaya Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda” ayuu hadalkisa sii raaciyay General Mabadi.

Taliye ku-xigeenka ciidanka dhulka ee dalka Uganda ayaa sidoo kale dhankiisa kula dardaarmay ciidamada tababarka loo soo xiray ay u shaqeeyaan si ay ku jirto hufnaan iyo anshax wanaagsan

Tababarka saraakiishan ayaa waxaa ka qayb qaatay saraakiil Militari oo ukala dhalatay wadamada Holland, Britain iyo Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -