Dhismayaal lagu soo kordhiyay xarunta Miino baarista Booliiska oo xarigga laga jaray (Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. C/llaahi Shiikh ismaaciil (Fartaag) ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta baarista miina baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Xarigjarka dhismayaasha cusub ee lagu soo kordhiyey qeybtaan ayaa waxaa goob joog ahaa taliyaha ciidinka booliiska  S/Guuto Sulub axmed Firin iyo taliye xigeenka booliiska S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo marti Ka socotey hay’addaha caalamiga ah.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo munaasabadda ka hadaly ayaa qiray in saraakiisha oyo ciidanka booliiska ee ka howlgala xaruntaan ay yihiin badbaadiyahaasha bulshada Soomaaliyeed.

Isaga oo xusay in xili kasta ay diyaar u yihiiin ciidankan ka hortaga dhagaraha qaraxyada kooxda cadawga ah ee Al Shabaab maleegto, si ay waxyeelo ugu geesato bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS S/guuto C/llaahi Shiikh ismaaciil (Fartaag) oo ayaa u mahadceliyay taliska booliiska, si gaar ahna ugu mahadceliyay saraakiisha iyo askarta xaruntan ee mar walba qatar u galiya nafsadooda sidii ay u badbaadin lahaayeen bulshadooda .

Xuruntaan lagu soo kordhiyey shismayaasha cusub ayaa halbowle u ah sugidda amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaana dhismaha xaruntan gacan weyn ka geesatay dowladda Japan.

- Advertisement -