Somaliland oo beesha Caalamka ugu baaqday in ay soo faragaliyaan Tacadiyo Muqdisho loogu …

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa ka hadlay shan nin oo kasoo jeeda deegaannada Somaliland oo Muqdisho ugu xiran kiiska dilka Cabdinaasir Dahable oo katirsanaa hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu dilay.

Qoraal uu Wasiir Ciise Keyd ku baahiyay bartiisa X , wuxuu ku caddeeyay in xukuumadda Somaliland ay si dhow ula socotay xarig iyo tacadiyo uu sheegay in muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay ku samaynayaan hay’ado dawladeed.

Wasiirka ayaa ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka u dooda in ay si deg deg ah u farogeliyaan dhacdadan, isla markaana xoriyadooda loo soo celiyo shanta nin ee Muqdisho ku xiran uu tilmaamay in tacadiyo xooggan la kulmayaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in dhallinyarada kasoo jeeda Somaliland ee ku xiran magaalada Muqdisho aan la geyn wax maxkamad ah xukunna lagu ridin, iyaga oo xiran tan iyo 15-kii Febraayo ee sannadkan.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu soo bandhigay magacyada dhallinyaradan oo u shaqeeya Hay’adaha ICAO iyo WFP, kuwaasi oo magacyadoodu yihiin:-

1. Mubaarig Nuur Cali (ICAO).
2. Nuuradiin Ileeye (ICAO).
3. C/Raxmaan Cabdilaahi Khaliif (Salaf) (ICAO).
4. Maxamed Cabdiraxmaan (WFP).
5. Almis Saleebaan (WFP)

Raggan ku xiran magaalada Muqdisho ayaa ahaa dadkii ugu dhawaa marxuum Cabdinaasir Dahable oo la rumeysan yahay in dil la qorsheeyay loo geestay, waxa ayna dowladda raggan ku tuhmeysaa in dilkaasi wax ka maleegeen inkastoo aan wali lagu caddeyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -