Maamulka Hirshabelle oo shaqada ka joojiyay una yeeray 12-Shirkadood

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Maaliyadda dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa shaqada looga joojiyay 12-shirkadood oo u badan kuwa qandaraaska qaata ee ka shaqeeya deegaanada maamulka Hirshabelle.

Wasiirka Maaliyadda Qoraalka uu soo saaray ayuu ku sheegay in shirkadahan marar kala duwan la xiriireen balse aysan kasoo jawaabin u yeeridooda , waxa uuna faray in ay joojiyaan shaqada ay hayaan ayna si deg deg ah ula soo xiriiraan Wasaarada Maaliyadda.

Waxa uu sheegay Wasiirka shirkadahan uu u yeeray hadii aysan lasoo xiriirin kana jawaabin dalabkooda in la galin doono liiska madow sidoo kale aan lasiin doonin lacagaha uga harsanaa qandaraaskooda kuwa cusubna aysan qeyb ka noqon doonin.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Wasaarada Maaliyadda.

 

- Advertisement -