Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Chines ah oo abaal marin ku helay burcad Soomaali ah oo uu soo qabtay (Daawo Sawirro)

Sarkaal ka tirsan ciidamada Badda dowlada China oo hogaaminayey howlgal sannadkii hore lagu soo badbaadiyay markab ganacsi oo burcad-badeed ku afduubtay gacanka Cadmeed ayaa la guddoonsiiyay shahaado sharaf halyeynimo.

Saddex ka mid ah burcad-badeedda Soomaalida ayaa lagu soo qabtay hawlgalkan lagu soo badbaadiyay markabka ganacsi sida ay sheegtay warbaahinta China.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Gong Kaifeng ayaa waxaa hoygiisa ku booqday Ku xigeenka duqa magaalada Fuzhou ee bariga dalka China, isagoo ku ammaanay guulaha uu ka gaaray hawlgalkaasi, wuxuuna gudoonsiiyey shahaado sharaf iyo abaal marin.

Mr.Gong ayaa 15kii April ee sannadkii hore isaga iyo 15 kamid ah saaxiibadiisa unugga gaarka ah ee ciidamada baddda China ayaa soo badbaadiyay markab xamuul ah, ka dib markii burcad-badeed ku weerartay gacanka Cadmeed.

Markabka oo lagu magacaabo OS35 ayaa ku gooshayey calanka Jasiiradda Tuvalu, xilliga ay weeraraysay burcad-badeedda, isagoo markiiba caawinaad weydiistay ciidanka badda China.

Gong Kaifeng ayaa lagu bogaadiyay sidii geesinimada lahayd ee uu burcadda uga soo furtay 16-ka shaqaale u dhashay dalka Philippines oo saarnaa markabka, iyadoo howlgalkaas uu ahaa kii ugu horeeyey noociisa ee ciidamada Shiinuhu ka fuliyaan xeebaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykan oo fashiliyay qorshe Farxan Shakeri ku dili rabay Donald Trump

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo labo arrin muhiim ah ka dalbatay UK in ay ka taageerto (Sawirro)

Cabdi Cade

Sidee Soomaaliya iyo Afrika u saameenayaa dagaalka Dhaqaale ee USA iyo China ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---