Diyaarad uu lahaa Milkiilaha kooxda Leicester City oo bur burtay (Daawo Sawirada)

Diyaarad nuuca qumaatiga u kaca uu lahaa milkiilaha Kooxda kubada Cagta ee Leicester City Vichai Srivaddhanaprabha ayaa bur burtay, wax yar kadib markii diyaaradaasi ay milkiilaha ka qaaday garoonka Kooxda ee King Power.

Warbaahinta Britain ayaa ku warantay in diyaarada markii ay ka duushay garoonka ayna hawada ku jirtay masaafo aan badneyn mar qura ay lumisay koontaroolka, waxaana xiligaas kadib la arkay diyaarada oo gubaneysa dhulkana kusoo dhacday.

Kooxaha gurmadka iyo dab damiska ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu shilku ka dhacay, walina lama oga khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed , mana jiro wax war ah kooxda Leicester ay kasoo saartay shilkan iyo xaalada uu ku sugan yahay milkiilaha.

Wali lama oga in shilkan waxyeelo kasoo gaartay milkiilaha kooxda Leicester oo ah nin bilyaneer ah, waxaana Warbaahinta Britain aad u raadinayaan xogta khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -