Dowlad Afrikaan ah oo dalkeeda ka xanibtay warbaahinada BBC iyo VOA

Dalka Burkina Faso ayaa xayiraad labo todobaad ah ku soo rogay barnaamijyada BBC Afrique iyo VOA, kaddib markii ay baahiyeen warbixinta Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee HRW ku eedeynayso xadgudubyo ka dhan ah rayidka ciidanka milatariga Burkina Faso.

Sidoo kale helitaanka boggaga internet-ka ee BBC, VOA iyo HRW ayaa laga xiray in laga daalacdo gudaha Burkina Faso.

Golaha warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale diginin u diray dhammaan warbaahinta gudaha.

VOA ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto tabinteeda warrarka Burkino Faso, iyadoo si dhexdhexaad ah u soo gudbinaysa.

HRW ayaa daabacday warbixin sheegeysa in milatariga Burkina Faso uu toogasho ku dilay 223 qof oo rayid ah 25 kii Febraayo waqooyiga wadanka.

Sidoo kale waxaay mamnuuceen sanad kii hor illaa sedex warbaahin oo calami ah, kuwaas oo kala ah wargeyska af faransiiska ku soo baxa ee Jeune Afrique, telefishanka faransiiska qaybtiisa La Chaîne Info (LCI), iyo Telefishanka France24.

Bishii Diiseembar 2023 kii, wadankan galbeedka afrika ku yaala waxa kale oo uu shaqada ka joojiyay wargeyska French daily le monde, iyagoo ku eedeeyay hab tabin dhinac u xaglinaysa.

- Advertisement -