Allbanaadir.com
NEWS

Xogta kulan dhexmaray taliyaha Booliska Somalia iyo saraakiil ka socotay dowlada Masar

Taliye Ciidanka Boliiska S/Guuto  Sulub Axmed Firin ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Saraakiil Ka socda Dalka Masar kuwaasoo shalay Soo gaaray Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Soo dhaweynta Saraakiishan waxa goob joog ahaa Taliye ku Xigeenada Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) iyo S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo hogaanada ciidanka.

Ujeedka Socdaalka Wafdigaan ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Taliyaha ayaa Saraakiishan uga Mahad celiyaya Aqbalaada Casuumaadii uu u fidayay sidoo kalana uga Mahad Celiyay Garab istaaga ay u sameeyeen Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

Dhanka kale Saraakiisha ka socday dalka Masar ayaa bogaadiyay horumarka ay ku tilaabsadeen ciidanka boliiska Soomaaliyeed, iyagoo xusay inay ka taageeri doonaan tababarada, xirfadaha iyo guud ahaan horumarada ciidanka.

Related posts

(Daawo Sawirro) James Swan oo hal arrin ku amaanay Madaxweynaha Hirshabelle

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo Xil cusub u magacaabay Wasiir hore Maxamed Cali Caadle

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo diiday in uu ka qeyb galo dood lagu qaban lahaa qaab Online ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---