Somalia iyo dalal kale oo ciidamo Nabad ilaalin ah u diraya wadan ku yaalla Afrika

Sida lagu sheegay war ka soo baxay IGAD Ciidamo ka socda dalalka xubnaha ka ah oo  nabad ilaalin ah ayaa loo dirayaa dalka Koonfurta Suudaan oo dagaalo sokeeye ay halakeeyeen.

Talabaadan ayaa ka dambeysay kadib shirkii IGAD todobaadkii hore lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo dhinacyada isku haya Koonfurta Suudaan ay ku kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo colaada ka jirtay sanadaha badan dalkaasi.

IGAD ayaa sheegtay in dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Sudan iyo Uganda ay ciidamo nabad ilaalin u diri doonaan Koonfurta Suudaan, si loo hirgeliyo heshiiska la gaaray.

“IGAD waxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey kala shaqeynyeysaa in ciidamo nabad ilaalin oo ka socda gobolka si buuxda loo geeyo dalka koonfurta Sudan, si ay u fuliyaan howsha loo igmaday qaab waafaqsan qaraarada golaha ammaanka ee 2304/16 iyo 2406/18” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay IGAD.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ciidamadan inay noqon doonaan kuwo damaanad qaada ilaalinta xasiloonida iyo amniga, iyadoo IGAD dhaqaalaha ku baxaya ciidankan ay weydiisan doonto Qaramada Midoobay iyo dalalka deeqda bixiya.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili Soomaaliya ay joogaan Ciidamo ka socda dalalka Midowga Afrika oo taageeraya dowlada federaalka, dagaalna kula jira kooxda Al-shabaab oo diidan jiritaanka dowlada iyo joogitaanka ciidamada ajnabiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -