Amar kasoo baxay Duqa Muqdisho oo lagu bur buriyay Dhismaha Piazza Libera (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera oo ku dhow Ceelgaabta, maadamaa goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore.

Duqa Muqdisho ayaa kal hore hakiyey dhismaha goobtan, kadibna amray in baaritaan lagu sameeyo, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha ee lagu joojiyay bixinta dhulalka danta guud.

“Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, kaddib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, wuxuuna yahay weli mid dan guud, Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dowladda la bixin karin, iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Eng. Yarisow ayaa sidoo kale u diray digniin dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana sida tan oo kala loo burburin doono goob walba oo dhise sharci darro ah laga sameeyo.

Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii sheegey inuu doonayo in Caasimadda lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtey berisamaadkii oo goobihii jardiinooyinka iyo xarumaha bila bilicda magaalada dib loo dhiso, si bushada uga wada faa’iideysato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -