Qoor Qoor iyo Wasiirka Difaaca oo gaaray Degmo Abaabul dagaal ka socdo (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu wehliyo Wasiirka Difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Qoor Qoor iyo xubnaha la socday waxaa Wisil kusoo dhaweeyay wasiirro katirsan maamulka Galmudug, Xildhibaano , Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Wasil.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa degmada Wisil u tagay abaabulka howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmada Xarardheere ee gobolka iyo deegaanno kale oo gobolkaasi katirsan.

Degmada Wisil waxaa horey u gaaray ciidamo badan oo isugu jira kuwa darawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, ciidankan ayaana loogu tala galay in ay qeyb ka noqdaan howlgalka Al Shabaab looga saarayo Koonfurta gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wararku sheegayaan in suurto gal tahay in maalmo joogo degmada Wisil uuna halkaasi ka hoggaamiyo howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmada Xarardheere iyo deegaannada kale ay ka joogaan Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -