Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weriye caawa lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa caawa maqribkii degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ku dilay wariye ka tirsanaa Warbaahinta maxaliga ah.

Wariyaha la dilay ayaa ka tirsanaa Idaacad lagu magacaabo Daarul Sunna oo ku taalla degaanka Ceelasha Biyaha sida ay sheegeen goob joogayaal ku sugan degaankaas.

Cabdullaahi Mire Xaashi oo sidoo kale la sheegay inuu ahaa agaasime ku-xigeenka Idaacada Daarul Sunna ayaa geeriyooday ka dib markii dableyda soo weerartay ay rasaas ay kaga fureen qeybaha sare ee jirkiisa isagoo isla goobtii ku qur baxay.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa gaaray goobta lagu dilay weriyaha halkaasoo ay ka sameeyeen baaritaano kala duwan, lamana oga illaa hadda sababta loo dilay weriyahan iyo cida ka dambeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo furay Shir u dhaxeeyay Puntland iyo UNICEF

Cabdi Cade

Trump:” Cadeyn ayaan u hayaa in Shiinuhu Sheybaar ku sameeyey Coronavirus”

Caydiid Ali

DF oo codsi u dirtay qoyska Maxbuuskii Isbitaalka xooga looga saaray ee geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---