C/wali Gaas oo xilalka ka qaaday Saraakiil taageero u muujiyey dowlada Somalia

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa shaqada ka ceyriyay saraakiil sare oo ka tirsanaa ciidanka Booliiska iyo daraawiishta Puntland, kuwaasoo maalmo ka hor shir jaraa’id oo ay ku qabteen Garoowe ku taageeray dowladda Federaalka Soomaaliya kana soo horjeestay shirkii dowlad goboleedyada ee ka dhacay halkaas.

Saraakiisha laga faRiisiyey shaqada ayaa waxaa ka mid ah G/sare Axmed Cabdullaahi Samatar (Layli) oo ka tirsanaa Booliska Puntland horena mar u soo noqday taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal.

Sidoo kale, C/wali Gaas ayaa soo saaray wareegto kale oo xilalka looga qaaday saraakiil kale oo todoba gaaraya, kana tirsanaa ciidanka daraawiishta kuwaasoo qeyb ka ahaa shirka jaraaid ee lagu taageeray dowlada federaalka.

“Laga bilaabo 25-ka October 2018 waxaa Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland laga Rukhseeyey (7) Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta kadib marka ay ku kaceen falal lid ku ah jiritaanka Puntland iyo anshaxa ciidannimo” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday C/wali Gaas.

Magacyada todobada sarkaal ee xilalka laga qaaday ayaa waxay kala yihiin:-

1-G/Sare Jaamac Axmed Maxamed (Luujito)

2-G/Sare Maxmed Cali Qase

3-G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax)

4-G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad)

5-G/Dhexe C/qaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro)

6-G/lle Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab)

7-Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo)

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo dibeda intooda badan ayaa si cad u dhaliilay qodobadii ka soo baxay shirkii dowlad goboleedyada qaarkood ku yeesheen Garowe, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan la aqbali Karin oo lagu duminayo dowladnimada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -