DF oo codsi u dirtay qoyska Maxbuuskii Isbitaalka xooga looga saaray ee geeriyooday

Wasiirka Caddaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in tillaabo cad ay ka qaadi doonaan taliyiihii xabsiga dhexe ee ku xad gudbay marxuum Xasan Kurtum Calasow ka dib markii isagoo xanuunsanaya uu ka soo saaray isbitaal lagu daweynayey ka dibna uu u geeriyooday daryeel xumo.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay socoto baaritaano la xiriirta arrinta marxuum Calasow, isla markaana dhawaan dowladda ay qaadi doonto tilaabo arintaasi ku haboon.

Waxaa uu ka codsaday ehelada marxuum Xasan Kurtun Calasow inay aasaan meydka, isla markaana ehelka ay ku kalsoonaadaan baaritaanka ay wadaan hayā€™adaha garsoorka dalka.

Afhayeenka Ciidamada Asluubta, Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, ayaa sheegay in Taliyihii xabsiga shaqadii laga joojiyay,lana magacaabay guddi baaritaan ku sameeya dhacdadan.

Waxaa baraha bulshada qabsaday Muuqaal muujinayey nin la sheegay inuu ahaa maxbuus, oo qofkii muuqaalka ka duubayey uu sheegay in si khasab ah looga saaray isbitaal uu ku jiray oo lagu daweynayey intaa ka dibna waxaa soo baxday in ninkii uu geeriyooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -