Muxuu Sheekh Aadan Madoobe kala hadlay wafdigii ka socday ururka EAC? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ammaanay dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan 8-da wadan kuwaas oo ururkan door weyn ku lahaa  ansixinta iyo ku biiritaanka xubinnimada Soomaaliya. Inta uu kulanka socday waxay soo bandhigeen sida uu u shaqeeyo, waxaana ay ka jawaabeen dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Dhanka kale waxay sharraxaad ka bixiyeen sida loo doorto iyo masuuliyada Xildhibaannada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

Xubnaha oo uu hoggaaminaayay Mudane  Namara Dennis, ayaa waxay adkeeyeen ahmiyada Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika iyo fursadaha waa-weyn ee laga heli karo. Dhanka kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada, iyagana waxeey ka mahadceliyay sida wanagsan ee Baarlamaanka Soomaaliya ay u soo dhoweeyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la guddoonsiiyay heshiiskii lagu aasaasay  Bulshada Bariga Afrika iyo Xeerarka Habraaca Golaha Sharci Dejinta ee Suuqa Bariga Afrika, waxaana uu ka mahadceliyay doorka ay ka qaateen dhammaan dowladaha xubnaha ka ah  ururkaan.

- Advertisement -