Maxaad ka taqaan harada Mucjisada ee ay daadsan yihiin lafaha Bani’aadamka?

Dhulka sare ee buuraha Himalayas ee dalka Hindiya waxaa ku taalla haro ay daadsan yihiin kumanaan lafaha banii’aadanka.

Haradan oo lagu magacaabo Roopkund ayaa dhacdaa gobolka Uttarakhand ee Hindiya.

Waxaa sanadkii 1942-dii ogaaday nin ka tirsanaa ciidamada ilaalada keymaha oo u dhashay Ingiriiska kaas oo howlgal ka sameynayay deegaankaas.

Warar hore ayaa sheegayay in lafahan ay yihiin meydka boqor Hindi ahaa, xaaskiisa iyo dad kale oo ka ag dhawaa kuwaas oo ay dishay duufaan 87 sano ka hor.

Halka dad kale ay sheegayaan inay ahaayeen meydadka ciidamo Hindi ahaa oo isku dayay inay weerar ku qaadana Tibet sanadkii 1841 kuwaas oo cagta la mariyay.

In ka badan nus qarni khuburrada waxay daraasad ku sameeyeen haraagaas.

Waxaana booqasho halkaas ku tagey dalxiisayaal iyo seynisyahano, inta badan harada waxaa daboolaa barafka, xilliyada qaboobaha oo kaliya ah ayaa la arkaa lafaha banii’aadanka ee daadsan halkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -