Allbanaadir.com
NEWS

Abwaan bilo kahor lagu xiray Muqdisho oo ku biiray Al Shabaab iyo fashilka Sirdoonka heesta

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa si weyn usoo baxayay warar sheegaya in kooxda Al Shabaab ku biiray  Abwaan Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaano (Jeesto) , oo kamid ahaa dhallinyarada kasoo jeeda Somaliand ee Muqdisho ku sugnaa.

Ninkan abwaanka ah oo muddooyinkii lasoo dhaafay kunoolaa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu gaaray deegaannada Al Shabaab maamulaan, gaar ahaan degmada Jilib uuna ku biiray kooxdaasi.

Abwaan Jeesto ayaa la sheegay in Jilib kusoo dhaweeyeen xubno katirsan Al Shabaab ay ku jiraan saaxiibo hore uu lahaa oo kooxdaasi ku biiray, kuwaa uu kamid yahay Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo isna horey ugu biiray Al Shabaab.

Ciidanka hay’adda Nabad sugia iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa horey abwaankan ugu xiray magaalada Muqdisho, kaddib markii uu baraha bulshada ku baahiyay qoraalo uu ku taageerayay Al Shabaab kuna duleesanayay dowladda.

Sirdoonka Soomaaliya ayaana waxaa heesta fashil la xariira in ay xabsi kasii daayeen nin ay cadeed in uu Al Shabaab u jeelanaa, kaa loo horey looga dheehan karay rabitaanka ninkan ee Al Shabaab qoraalo uu qoray iyo suugaan uu tiriyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Siyaasi dhaliilay Khudbadii Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha milatariga

Cabdi Cade

Axmed Samow iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo Xabsiga la dhigay

Cabdi Cade

Cabdirashiid Janan iyo Senoter Fartaag oo abaabul xooggan ka wada gobolka Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---