Nin walaalkiis ka yar Sabab dad badan layaab ku noqotay ugu dilay magaalada Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaddib markii nin dhallinyaro ah si lama filaan ah halkaasi ugu dilay walaalkiis ka yar oo muran soo kala dhax galay.

Dilkan ayaana ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, waxaana goobjoogayaal sheegeen in dilka uu ka dhashay muran la xariira musqul laga qodayay guriga wiilashan walalaaha ah degnaayeen.

Cabdisalaan Muuse Saxandiid ayaa birta lagu qodo dhulka u adeegsaday dilka walaalkiis kayar oo lagu magacaabayay Sharmaake Muuse Saxandiid, waxaana la sheegay in dilka kahor labada wiil uu muran soo kala dhax galay.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dilka Sharmaarke uu u dhacay si lama filaan ah, waxa uuna xusay in uu jiray muran kala dhaxeeyay walaalkiis , balse wiilka dilka geestay uu birta canaan ahaan ugu dhuftay walaalkiis sidaana ku dhintay.

“Dilka ma ahayn ula kac ma ahayn, canaan ayuu ka dhashay, canaantii ayaa fogaatay kadibna birta wax lagu qodo ayuu afka jug uga siiyay, gudaha ayayna u gashay, sidaas ayuu ku dhintay marxuumka” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Qoyska labada wiil ee walaalaha ee midna la dilay kan kalana lagu sababay ayaa la sheegay in dhawaan uu aabahood geeriyooday, waxaana la tilmaamay in hooyada wiilashan aysan wali asaydii ay qaaday uusan ak degin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -