Wasiirka Amniga oo arrimo muhiim ah kala hadlay Maxamed El-Amine iyo saraakiil katirsan ATMIS (Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Argagixisada, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga amni ee labada dhinac, isla markaana si joogto ah ay u kala warqaadan doonaan hey’adaha amniga, si loo helo Soomaaliya xasilloon oo ka caaggan Khawaarijta.

General Fartaag Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahadceliyey howlgalka ATMIS doorka ay ka qaataan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa argagixisada diiddan horumarka iyo amniga Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaana u ballanqaaday wasiirka cusub ee Amniga Soomaaliya in si dhaw ula shaqeyn doonaan ayna diyaar u yihiin garabsiinta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

- Advertisement -