Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo hor joogsaday in Falastin xubin rasmi ah ka noqoto Qaramada Midoobay

Maraykanka ayaa Khamiistii codka diidmada qayaxan u isticmaalay qaraar ay soo diyaarisay Qaramada Midoobay, kaas oo jidka u xaadhaya in xubinimo buuxda la siiyo dawlad ay leeyihiin Falastiiniyiintu.

Qaraarkan oo la horgeeyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa taageeray 12 xubnood, waxaa ka aamusay laba xubnood halka Maraykankuna uu ka soo horjeestay.

Falastiin ayaa waxaa hadda ergo aan rasmi ah oo metela ku leh golaha Qaramada Midoobay.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa dhinaca kale ku dhawaaqay inay cunaqabatayno cusub ku soo rogayaan Iran.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo hoggaamiyayaasha Midawga Yurub oo ku shirsan Brussels ay wacad ku mareen inay kordhinayaan cunaqabataynada ay saarayaan Iraan, iyaga oo bartilmaameedsanaya nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geeyaan meelaha ay ka hawlgalaan ururada gacansaarka la leh sida Gaza, Yemen iyo Lubnaan.

Cunaqabataynta Maraykanka ayaa bartilmaameedsanaysa shakhsiyaadka iyo shirkadaha soo saara mishiinada ay isticmaalaan diyaaradaha yaryari iyo weliba dhinacyada soo saara birta loo adeegsado.

Related posts

Tedros Adhanom oo shaaciyey iney gargaar Caafimaad oo deg deg ah gaarsiinayaan Muqdisho

Caydiid Ali

Nin hubeesan oo lagu toogtay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo xero milatari booqday amaana u jeediyay ciidanka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---